Ha Hoos U Dhigin Karaamada Ilmahaaga Adigoo Dadka Hortooda Ka Sheekaynaya Khaladaadkiisa

Waalidku waa inuu ka fogaadaa inuu khaladaadka ama dhaqamada dhibka leh ee ilmahiisa uga sheekeeyo dadka kale hortooda isagoo uga dhigaya kaftan ama hadal la iska dajinayo. Inkastoo mararka qaar arrintaasi u muuqan karto wax fudud, haddana waxay saamayn xun ku yeelan kartaa ilmaha.
Arrintaasi waxay sababi kartaa:
Inay dhaawacdo karaamada ilmaha, isla markaana hoos u dhigto qiimihiisa iyo dareenkiisa nafeed.
Inay xoojiso dabeecadda xun, maadaama ilmaha lagu dhajinayo aqoonsi taban oo laga yaabo inuu la qabsado.
Inay hoos u dhigto kalsoonida naftiisa, taas oo saameyn ku yeelan karta horumarkiisa iyo geesinimadiisa.
Inay ka dhigto bartilmaameed lagu jees-jeeso ama lagu caayo, gaar ahaan haddii carruur kale ama dad badan hortooda laga sheego.
Inay saameyn xun ku yeelato xiriirka u dhexeeya waalidka iyo ilmaha, taas oo mustaqbalka keeni karta madax-adayg, diidmo iyo buuq badan.
Sidaa darteed, waxa ka wanaagsan in waalidku si gaar ah oo ixtiraam leh u saxo dhaqanka ilmaha, isla markaana dhiirrigeliyo marka uu sameeyo wax wanaagsan, si uu u kobco kalsoonidiisa iyo akhlaaqdiisa wanaagsan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





