Wax Nin u Roon Ayaa Nin Kale u Xun: Noloshu Mar Walba Hal Aragti Laguma Qiimeeyo

0
Friday March 13, 2026 - 01:13:02 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Nin u Roon Ayaa Nin Kale u Xun: Noloshu Mar Walba Hal Aragti Laguma Qiimeeyo

    Tusaale ahaan, qofku wuxuu u malayn karaa in quruxdu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tusaale ahaan, qofku wuxuu u malayn karaa in quruxdu

May be an image of the Western Wall and text that says 'Wax Waxninuroon nin u roon aaaă nin kale u xun. Waxaad u malaysaă in quruxdu nimco tahay, laakéin quruxdu waxay Nebi Yuusuf gaysay jeel! Waxaad u malayneysaa in shaqadda 00 la waayaa, ay dhibaato tahay, laakkéin dadka qaár ayay fursad tahăy. KNLAYR INDA HAveairv dalu XUN Ma dooran naqaane, Alloow noo door. Alle ha inna waafajjjo wixii khyir inoo leh.'



Mararka qaarkood waxa qof u muuqda khayr iyo nimco, qof kale ayay u noqon kartaa dhibaato ama culays. Sidaa darteed, nolosha laguma kala xukumi karo hal aragti oo keliya, sababtoo ah waxa maanta shar u muuqda ayaa laga yaabaa inuu berri khayr noqdo.


 

Tusaale ahaan, qofku wuxuu u malayn karaa in quruxdu tahay nimco weyn, laakiin quruxdii Nebi Yuusuf (CS) ayaa sabab u noqotay in lagu xidho xabsiga. Taasi waxay ina tusaysaa in mararka qaarkood wax aynu u aragno nimco ay imtixaan noqon karaan.


 

Sidoo kale, dadka qaarkood waxay u arkaan shaqo la’aanta dhibaato weyn, laakiin mararka qaar shaqo ka tegid ama shaqo waayid ayaa qofka u fura fursado cusub iyo albaabbo kale oo nololeed. Dhanka kale, dadka qaarkood isla arrintaasi waxay u noqon kartaa culeys iyo dhib ku soo kordha noloshooda.


 

Sidaas darteed, ma sahlana in si degdeg ah loo go’aamiyo waxa inaga khayr badan iyo waxa inaga shar badan. Marar badan waxa aynu u haysanno shar ayaa noqon kara khayr, halka waxa aynu u aragno khayr ay mararka qaar dhibaato keeni karaan.


 

Ugu dambayn, bani’aadamku mar walba ma yaqaan waxa u wanaagsan. Sidaa darteed waxaa habboon in la yidhaahdo:


"Ma dooran naqaane, Alloow noo door.”


 

Alle ha inna waafajiyo wixii khayr inoo leh, hana inaga fogeeyo wixii shar inoogu jira. Aamiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...