Macallinka Dhabta ahi Ma Dhammaystiro Manhajka oo Kaliya, Wuxuu Beddelaa Nolosha Ardayga

0
Friday March 13, 2026 - 00:58:31 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallinka Dhabta ahi Ma Dhammaystiro Manhajka oo Kaliya, Wuxuu Beddelaa Nolosha Ardayga

    Baraha wanaagsan waxa uu leeyahay dulqaad iyo faham,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraha wanaagsan waxa uu leeyahay dulqaad iyo faham,



Barayaasha qaar waxay dhammaystiraan manhajka, halka qaar kalena ay beddelaan nolosha ardayda oo dhan. Badanaa waxbarashada waxaa lagu soo koobaa buug, cashar iyo qoraallo (notes), balse waxbarashada dhabta ahi intaas way ka qoto dheer tahay.


 

Macallinka wanaagsan diiradda kuma saaro oo keliya maaddada uu dhigayo, balse wuxuu si gaar ah u eegaa ardayga hortiisa fadhiya. Wuxuu fahmaa jahawareerka ardayga ka hor inta uusan su’aal weydiin, wuxuuna dareemaa caajiska iyo hoos u dhaca foojignaanta ardayda xitaa haddii aanay si cad u muujin.



 

Baraha wanaagsan waxa uu leeyahay dulqaad iyo faham, wuxuuna ka warqabaa meelaha ay ardaydu ku liitaan. Marka uu arko in ardaygu ku adkaanayo fahamka casharka, wuxuu isku dayaa qaabab kala duwan oo uu ku sharaxo, si ardaygu si fudud ugu fahmo.


 

Macallinku ma aha qof keliya buugga kala fura, cashar jeediya, kadibna fasalka ka baxa. Wuxuu sidoo kale akhriyaa wajiyada iyo dareenka ardayda—kan luloonaya, kan caajisan, iyo kan welwelsan.


 

Mararka qaarkood arday aan si fiican u fahmin casharka ayaa odhanaya: "Maya macallin, wax su’aal ah ma qabo.” Hase yeeshee, macallinka wanaagsan wuu garanayaa in ardaygu fahmay iyo in kale.


 

Dhanka kale, waxaa jira barayaal wax dhiga laakiin aan jeclayn wax baridda, taas oo si fudud looga dareemi karo marka fasalka la galo.


 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira macallimiin marka aad xiisaddooda gasho noloshaada oo dhan isbeddel ku sameeya. Mararka qaar ma aha cutubka aad baratay waxa noloshaada beddela—xitaa waad illoobi kartaa casharkii—laakiin shakhsiyadda iyo saameynta macallinka ayaa noqon karta waxa ugu weyn ee noloshaada beddela.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...