Donald Trump: "Ma Xiisaynayo Helista Billada Nabadda Adduunka"

0
Friday March 13, 2026 - 10:52:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump: "Ma Xiisaynayo Helista Billada Nabadda Adduunka"

    Sannadkii hore, Trump ayaa ku hungoobay dadaalkii uu ugu jiray h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadkii hore, Trump ayaa ku hungoobay dadaalkii uu ugu jiray h



Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan xiisaynayn helista Billada Nabadda Adduunka (Nobel Peace Prize), kadib markii wax laga weydiiyay in dagaalka Iran uu saameyn ku yeelan karo hamigiisii ku wajahnaa abaalmarintaas.


 

Trump ayaa sheegay inuusan dan ka lahayn helista billadaas, inkastoo uu hore u muujiyay rabitaan xooggan oo uu u qabay.



 

Sannadkii hore, Trump ayaa ku hungoobay dadaalkii uu ugu jiray helista Billada Nabadda Adduunka, kadib markii uu sheegay inuu yahay nabadoon gacan ka geystay soo afjaridda siddeed dagaal oo dunida ka aloosnaa.


 

Si kastaba ha ahaatee, hadalkiisa ugu dambeeyay ayaa muujinaya in Trump uu u muuqdo inuu ka tanaasulay hamigii uu u qabay helista abaalmarintaas caalamiga ah.

Loading...
Loading...