Warbixin: Maraakiib ku Sugan Gacanka Hormuz oo Iska Dhigaya Kuwo Shiine ah si ay uga Badbaadaan Weerarrada
Sida ay werisay Wakaaladda Wararka Associated Press (AP), maraakiibta ganacsiga ee maraysa agagaarka gacanka Hormuz ayaa bilaabay inay iska dhigaan kuwo laga leeyahay dalka Shiinaha, si ay uga fogaadaan weerarro la sheegay inay ka imanayaan Iran.
Warbixintu waxay sheegtay in maraakiibtu ka cabsi qabaan in Iran ay aqoonsato dalalka ay ka soo jeedaan, taas oo keeni karta in si toos ah loo beegsado. Sidaa darteed, qaar ka mid ah maraakiibta ayaa isku dayaya inay muujiyaan inay ka yimaadeen Shiinaha, si aan looga shakin loogana fogaado weerarro.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo la sheegay in Iran labadii maalmood ee ugu dambaysay ay beegsatay maraakiibta maraysa gacanka Hormuz, marka laga reebo kuwa laga leeyahay dalka Shiinaha.
Gacanka Hormuz ayaa ah marin-biyood aad u muhiim ah oo ay maraan maraakiib badan oo qaada shidaalka iyo badeecadaha caalamka, waxaana khalkhal kasta oo ka dhaca halkaas uu si toos ah u saameeyaa ganacsiga iyo suuqyada tamarta ee dunida.


0 





