Siyaasi Cabdinaasir Xasan Buuni: "Arrimaha Dibadda Waxaa Ka Hadli Kara oo Kaliya Madaxda Mas'uulka ah"
Siyaasi Cabdinaasir Xasan Buuni ayaa sheegay in marka laga hadlayo dawladdnimada iyo kala dambaynta maamulka, arrimaha la xidhiidha siyaasadda dibadda ay ka hadli karaan oo keliya Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo Wasiirka Gaashaandhigga.
Siyaasiga ayaa xusay in haddii ay jirto arrin ku saabsan heshiis milatari oo dhex mara Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Israel, xogta la rumaysan karo ay tahay oo keliya tan ka soo baxda Madaxweynaha iyo wasiirrada mas’uulka ka ah Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga.
Cabdinaasir Xasan Buuni ayaa sidoo kale tilmaamay in arrimaha masiiriga ah ee qaranka aan lagu geli karin dood guud oo aan ku salaysnayn nidaamka rasmiga ah, balse loo baahan yahay in lagu saleeyo qaanuunka iyo nidaamka dawladnimo ee dalka u yaalla.
Ugu dambayn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta nidaamka dawladnimada iyo kala dambaynta hay’adaha ay muhiim u tahay maareynta arrimaha waaweyn ee qaranka.


0 





