Cabdi Maxamuud Cumar: "Amniga iyo Horumarka Deegaanka Soomaalida Waxaa Sabab u ah Siyaasadda Medemer ee Abiy Ahmed"
Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ammaanka iyo horumarka ka jira Deegaanka Soomaalida ay ka dhasheen siyaasadda Medemer ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, isla markaana aysan jirin cid kale oo sheegan karta isbeddelkaas.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in nabadgelyada deegaanka, heshiisyadii nabadeed ee ay dowladda federaalku la gashay ururradii hubeysnaa, iyo horumarka ka socda gobolka ay yihiin hindise iyo qorshe ay hormuud ka ahayd dowladda federaalka, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Wuxuu sidoo kale xusay in ku biirista Soomaalida ee xisbiga talada haya ee Prosperity Party (PP) ay ahayd go’aan iyo hindise ka yimid Abiy Ahmed, isaga oo sheegay in dadka qaar oo uu ku tilmaamay "dadka uu isbeddelku keenay” aysan door ku lahayn arrintaas.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in mashruucyada waaweyn ee ka socda Deegaanka Soomaalida, sida Corridor-ka Jigjiga iyo Mashruuca Dalxiiska Shabeelle, ay ka mid yihiin qorshayaal heer qaran ah oo ay dejisay dowladda federaalka, kuwaas oo qayb ka ah barnaamijyada horumarinta magaalooyinka, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in miisaaniyadda lagu fulinayo mashruucyadaas ay ka timaaddo dowladda federaalka, isagoo sheegay in ku dhawaad 90% miisaaniyadda Deegaanka Soomaalida ay kasoo baxdo dowladda dhexe.
Ugu dambayn, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku dooday in dadka qaar ee sheeganaya inay sabab u ahaayeen isbeddelka iyo horumarka deegaanka aysan xaq u lahayn sheegashadaas, isaga oo ku adkeeyay in doorka ugu weyn uu lahaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo dowladda federaalka Itoobiya.


0 





