Garyaqaan Guuleed Dafac: "Ubax Cabdiraxmaan Maxkamaddu Way Sii Daysay, Waa In La Ixtiraamo Go'aanka Garsoorka"
Garyaqaanku wuxuu tilmaamay in wixii ka dambeeyay go'aanka...
Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay in Ubax Cabdiraxmaan ay sii daysay maxkamaddii gacanta ku haysay dacwadeeda, kadib markii xukunkii hore xadhigga loogu beddelay ganaax.
Garyaqaanku wuxuu tilmaamay in wixii ka dambeeyay go’aanka maxkamadda ay noqdeen gardarro, isla markaana loo baahan yahay in la ixtiraamo nidaamka garsoorka iyo go’aannadiisa.
"Ubax Cabdiraxmaan waxa sii daysay maxkamaddii dacwadeeda haysay kadib markii xukun soo baxay oo xadhigii loogu bedelay ganaax. Waxa intaas ka dambeeya waxa lagu hastaa waa gardarro. Waa in la ixtiraamo nidaamka garsoorka oo xorriyadeeda loo soo celiyo Ubax,” ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac.
Loading...
Loading...


0 





