Wasiirka Tamarta Denmark oo Dadka ugu Baaqay inay Yareeyaan Isticmaalka Shidaalka
Wasiirka Tamarta ee dalka Denmark, Lars Aagaard, ayaa ugu baaqay dadka ku nool dalkaasi inay yareeyaan isticmaalka shidaalka, kadib kororka ku yimid qiimaha shidaalka ee ka dhashay xiisadaha iyo dagaalka la xidhiidha Iiraan.
Wasiirku wuxuu sheegay in xaaladda ka taagan gobolka ay saamayn ku yeelatay suuqa tamarta ee caalamka, taas oo sababtay in qiimaha shidaalku kor u kaco.
Isagoo la hadlayay shacabka Denmark ayuu yiri:
"Fadlan, fadlan, fadlan, haddii aysan muhiim ahayn inaad baabuur wadato, ha wadin.”
Wasiirka Tamarta Denmark ayaa tilmaamay in yareynta isticmaalka shidaalka ay gacan ka geysan karto yaraynta cadaadiska ku imanaya sahayda tamarta iyo xakamaynta saamaynta uu kororka qiimuhu ku leeyahay bulshada.


0 





