Thailand oo Iran ka Dalbatay Raalligelin Kadib Weerar Gantaal oo Waxyeello u Geystay Markab Thai ah
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Thailand ayaa dalbatay in dowladda Iran ay bixiso raalligelin rasmi ah, kaddib markii markab laga leeyahay Thailand uu waxyeello kasoo gaartay gantaal lagu dhuftay Arbacadii, xilli uu marayay marinka badda ee Hormuz, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Weerarkaasi ayaa sababay dab ka kacay markabka, taas oo ku qasabtay shaqaalihii saarnaa inay si degdeg ah uga degaan markabka oo ay ka baxaan, si ay uga badbaadaan khatarta dabka iyo waxyeellada ka dhalan karta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Thailand ayaa sheegtay inay la xidhiidhi doonto safiirka Iran, si ay u hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen iyo sababta keentay weerarka lagu qaaday markabka.
Dhanka kale, Ciidamada Badda ee dowladda kacaanka Iran ayaa bayaan ay ku baahiyeen wakaaladda wararka ee Tasnim News Agency ku sheegay in markabkaasi ay rasaas ku fureen ciidamo dagaalyahanno Iraniyiin ah, inkastoo aan wali si buuxda loo faahfaahin sababta rasmiga ah ee weerarka.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo xiisadaha amni ee ka taagan marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz ay sii kordhayaan, maadaama marinkaasi yahay mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga shidaalka adduunka.


0 





