Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Daahfurtay Nidaamka Dijitaalka ah ee Diiwaangelinta Tallaalka Carruurta (EIR)

0
Thursday March 12, 2026 - 23:47:48 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Daahfurtay Nidaamka Dijitaalka ah ee Diiwaangelinta Tallaalka Carruurta (EIR)

    Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ...

May be an image of one or more people, people studying and text



Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa si rasmi ah u bilowday hirgelinta nidaamka Electronic Immunization Registry (EIR), oo ah nidaam dijitaal ah oo lagu diiwaangelinayo xogta tallaalka carruurta. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo tayada xogta caafimaad ee dalka.


 

Mashruucan waxaa lagu bilaabay 12 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo ka kooban 7 xarumood oo dawladeed iyo 5 xarumood oo gaar loo leeyahay, kuwaas oo bixiya adeegyada tallaalka carruurta. Xarumooyinkan ayaa la siiyay tablet-yo iyo akoonno gaar ah si ay ugu shaqeeyaan nidaamka cusub, halka shaqaalaha ka hawlgala ay hore u qaateen tababar ku saabsan isticmaalka nidaamka EIR.


 

Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, waxaana sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Carruurta iyo Tallaalka, Madaxa Xogta Heer Qaran, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex, iyo wakiillo ka socday hay’adda Save the Children, iyo masuuliyiin ka socday 12-ka xarumood ee mashruuca ka qayb qaadanaya.


 

Nidaamka EIR ayaa ka wareejinaya diiwaangelinta tallaalka habkii hore ee warqadaha ku salaysnaa una beddelaya hab dijitaal ah, taas oo sahlaysa kaydinta iyo la socodka xogta. Sidoo kale, nidaamku wuxuu leeyahay fariimo SMS xasuusin ah oo waalidiinta lagu ogeysiinayo maalinta tallaalka carruurtooda, si loo hubiyo in carruurtu helaan tallaalkooda waqtigii loogu talagalay.


 

Nidaamkan cusub ayaa sidoo kale lagu xidhay DHIS2, taas oo gacan ka geysanaysa hagaajinta tayada xogta caafimaadka iyo xoojinta go’aan qaadashada ku salaysan xog sax ah.


 

Hirgelinta nidaamka Electronic Immunization Registry (EIR) waxaa looga gol leeyahay:

 

In diiwaangelinta xogta tallaalka carruurta laga dhigo mid sax ah oo dijitaal ah.

 

In la fududeeyo la socodka jadwalka tallaalka carruurta.


 

In waalidiinta loo diro fariimo xasuusin (SMS) si carruurta loogu keeno tallaalka waqtigooda.

 

In la hagaajiyo tayada xogta caafimaadka ee dalka.


 

In la xoojiyo go’aan qaadashada ku salaysan xog sax ah ee Wasaaradda Caafimaadka.


 

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada ka qaybgalay tababarka inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan aqoonta ay barteen, isla markaana ay u gudbiyaan shaqaalaha kale ee xarumaha ay ka shaqeeyaan, si nidaamkan cusub loogu hirgeliyo si hufan oo wax ku ool ah.

Loading...
Loading...