Khubaro Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha Somaliland Oo Israel Ku Dhammeystay Wejigii Koowaad Ee Tababar Sare

Waxaa si guul leh dalka Israel uga soo dhammaaday wejigii koowaad ee tababar heer sare ah oo loo qabtay khubaro ka socota Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland. Tababarkan oo socday muddo 25 maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray tignoolajiyada casriga ah ee maareynta, sahminta iyo soo saarista biyaha.
Munaasabaddii lagu soo xiray dufcaddii koowaad ee tababarka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Agaasime Ku-xigeenka MASHAV, kaas oo shahaadooyin guddoonsiiyey xubnihii tababarka dhammaystay, isaga oo ku bogaadiyey dedaalka iyo aqoonta ay muujiyeen.
Intii uu tababarku socday, khubarada Somaliland waxay booqashooyin ku tageen xarumo iyo mashruucyo muhiim ah oo la xidhiidha maamulka biyaha. Goobaha ay indha-indheeyeen waxaa ka mid ahaa ceelasha dhaadheer ee biyaha laga soo saaro, warshadaha biyo-macaynta ee biyaha badda looga dhigo kuwo la cabbi karo, iyo xarumaha lagu nadiifiyo biyaha wasakhda ah si dib loogu isticmaalo, gaar ahaan waraabka beeraha.
Sidoo kale, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda uu tababarkani u leeyahay horumarinta khayraadka biyaha ee Somaliland, waxaa khubarada loogu daray muddo dheeraad ah si ay u sii qoto-dheereeyaan aqoontooda. Khubarada sare ee Israel ayaa si gaar ah u baraya farsamooyinka lagu xallin karo caqabadaha la xiriira biyo yaraanta ee ka jira deegaannada Somaliland.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo qorshaha lagu horumarinayo maamulka khayraadka biyaha, si mustaqbalka loo gaadho isku-fillaansho dhinaca biyaha ah.


0 





