Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Ansixisay Manhajka Akhriska iyo Xisaabta ee Waxbarashada Dadban

0
Thursday March 12, 2026 - 20:30:46 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Ansixisay Manhajka Akhriska iyo Xisaabta ee Waxbarashada Dadban

    Barnaamijkan oo ay maalgelisay Bangiga Adduunka (World Bank)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijkan oo ay maalgelisay Bangiga Adduunka (World Bank)


May be an image of one or more people, dais and text that says 'MoFAS きけ SOMALILAND EMPOWERING WOMEN THROUGH EDUCATION AND SKILLS


Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland ayaa si rasmi ah u ansixisay manhajka Akhriska iyo Xisaabta (Literacy and Numeracy) ee loogu talagalay barnaamijyada Waxbarashada Dadban (Non-Formal Education). Manhajkan oo uu diyaariyey Xafiiska Horumarinta Manaahiijta Qaranka ayaa soo maray geeddi-socod dheer oo isugu jiray daraasado, talo-ururin khubaro iyo dib-u-eegis lagu hubinayey tayadiisa iyo waafaqsanaantiisa baahiyaha waxbarasho ee bulshada.


 

Agaasimaha Horumarinta Manhajka Qaranka, Maxamed Cabdi Cismaan, ayaa sheegay in manhajka waxbarashada dadban uu ka kooban yahay saddex heer, halka heerka maanta la ansixiyey uu yahay kii koowaad oo diiradda saaraya labada maaddo ee aasaasiga ah: Af-Soomaaliga (akhris iyo qoris) iyo Xisaabta.


 

Barnaamijkan oo ay maalgelisay Bangiga Adduunka (World Bank) iyadoo loo marayo Mashruuca Rajo-laabo, ayaa la qorsheeyey in lagu tababaro 1000 hablood. Waxaana laga hirgelin doonaa shan degmo oo kala ah Hargeysa, Burco, Oodweyne, Salaxley iyo Baligubadle.


 

Agaasimaha Tayo-Dhowrka Waxbarashada, Maxamed Cumar Ismaaciil, ayaa sheegay in manhajkani uu muhiim u yahay kor u qaadista tayada waxbarashada dadban iyo horumarinta akhriska iyo xisaabta aasaasiga ah. Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex, Khadar Cabdi Ibraahim, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada, gaar ahaan hablaha, loo abuuro fursado waxbarasho oo dib-u-barasho ah si ay u helaan xirfadaha aasaasiga ah ee nolosha.


 

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay sarkaal ka socday hay’adda CARE International oo muujiyey muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah si loo gaadho bulshada u baahan fursad waxbarasho oo labaad.


 

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa si rasmi ah u furay kulanka ansixinta manhajka, isagoo bogaadiyey khubaradii diyaarisay. Wasiirku wuxuu sheegay in hirgelinta manhajkani ay door weyn ka qaadan doonto yaraynta aqoon-la’aanta iyo xoojinta waxbarashada hablaha, isaga oo sidoo kale xusay in la tababari doono macallimiinta bixin doona casharrada barnaamijkan.

Loading...
Loading...