Khubaro Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha Somaliland Oo Tababar Khuseeya Maamulka Biyaha Ku Qaadanaya Israel

0
Thursday March 12, 2026 - 14:07:25 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khubaro Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha Somaliland Oo Tababar Khuseeya Maamulka Biyaha Ku Qaadanaya Israel

    Intii uu socday tababarku, khubarada Somaliland ayaa sidoo kale booqday...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu socday tababarku, khubarada Somaliland ayaa sidoo kale booqday...


May be an image of text


Khubaro ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland oo aqoon korodhsi ugu maqnaa dalka Israel ayaa si habsami leh u wada barashada khibradaha iyo farsamooyinka la xidhiidha maamulka iyo qorshaynta khayraadka biyaha.


 

Khubaradan, oo qayb ka ah barnaamij lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha wasaaradda, ayaa ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimada iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee lagu maareeyo biyaha, gaar ahaan meelaha ay ka jirto biyo yaraantu.


 

Barnaamijka aqoon korodhsiga ah ayaa diiradda saaraya qorshaynta istaraatiijiyadda biyaha, maaraynta kaydka biyaha, ilaalinta ilaha biyaha iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee lagu kordhinayo helitaanka biyaha.


 

Intii uu socday tababarku, khubarada Somaliland ayaa sidoo kale booqday xarumo iyo mashruucyo kala duwan oo lagu maareeyo biyaha, halkaas oo ay ka barteen hababka wax ku oolka ah ee lagu xallin karo caqabadaha la xidhiidha biyo yaraanta iyo korodhka baahida biyaha.


 

Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland ayaa sheegtay in wejigii koowaad ee aqoon korodhsiga uu soo dhamaaday, isla markaana khubaradu ay heleen aqoon iyo khibrad muhiim ah oo ay dalka dib ugu soo celin doonaan.


 

Aqoontan cusub ayaa la filayaa inay gacan ka geysato horumarinta nidaamka maamulka biyaha ee Somaliland, isla markaana ay ka qayb qaadato qorsheyaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo helitaanka iyo maaraynta khayraadka biyaha ee dalka.

Loading...
Loading...