Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Kulamo La Qaatay Maamulka Caafimaadka Gobolka Awdal, Kuna Wareejiyey Agab Caafimaad

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Awdal Region, ayaa kulamo kala duwan la qaatay maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee gobolka.
Wasiirka ayaa masuuliyiinta ka dhagaystay warbixino faahfaahsan oo la xidhiidha xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka iyo baahiyaha ka jira gobolka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka ee la siiyo bulshada.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulan balaadhan la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Awdal iyo maamulka gobolka, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta adeegyada caafimaadka, horumarinta xarumaha caafimaadka iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada ay helaan bulshada ku dhaqan gobolka.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maamulka caafimaadka gobolka ku wareejiyey agab caafimaad iyo daawooyin, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada ku nool gobolka Awdal.


0 





