Guddoomiyaha Togdheer Oo Ka Digay Wararka Beenta Ah, Kuna Baaqay In La Ilaaliyo Nabadda Burco

0
Thursday March 12, 2026 - 13:56:10 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Togdheer Oo Ka Digay Wararka Beenta Ah, Kuna Baaqay In La Ilaaliyo Nabadda Burco

    Guddoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Maayirka degmada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Maayirka degmada Burco



Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa bulshada uga digay wararka aan sal iyo raad lahayn ee lagu faafinayo gobolka, isaga oo sheegay in ay jiraan dad ku hawlan faafinta warar been abuur ah oo wax u dhimaya xasilloonida iyo sumcadda gobolka.


 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in dadkaasi aysan ka shaqayn wanaagga bulshada, balse ay ku mashquulsan yihiin faafinta warar been ah. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in mucaaridnimadu aysan ahayn in la abuuro warar aan xaqiiqo ku salaysnayn.



 

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Maayirka degmada Burco ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xalay suuqa weyn ee magaalada Burco, halkaas oo ay u kuurgaleen xaaladda amniga iyo ganacsiga.


 

Masuuliyiintu waxay sheegeen in ciidamada ammaanku si weyn u xoojiyeen sugidda nabadgelyada magaalada, isla markaana ay ku howlan yihiin ilaalinta ammaanka guud ee Burco.


 

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa bulshada ugu baaqay inay iscafiyaan oo ay xoojiyaan midnimada iyo wada noolaanshaha, maadaama lagu jiro tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo Alle ka baryay in abaarta ka jirta dalka laga dulqaado.

Loading...
Loading...