Dalalka G7 Oo Ka Fikiraya Inay Sii Daayaan Keydka Shidaalka Kadib Kororka Xiisadda Bariga Dhexe
Wasiirrada tamarta ee dalalka ku bahoobay G7 ayaa kulan ay khadka telefoonka ku yeesheen kaga wada hadlay xaaladda tamarta ee dunida, iyagoo isla gartay in la diyaariyo suurtagalnimada sii daynta keydka istaraatiijiga ah ee shidaalka. Si kastaba ha ahaatee, waxay marka hore ka codsadeen Hay’adda Tamarta Caalamiga ah ee IEA inay qiimeyso xaaladda sahayda shidaalka iyo xaaladda suuqa ka hor inta aan tallaabo rasmi ah la qaadin.
Agaasimaha guud ee IEA, Fatih Birol, ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah hay’addu ay kulan degdeg ah yeelan doonaan si ay u qiimeeyaan ammaanka sahayda shidaalka iyo xaaladda suuqa, isla markaana loo go’aamiyo haddii keydka degdegga ah ee shidaalka ee dalalka IEA loo sii dayn karo suuqa caalamiga ah.
Wasiirka Maaliyadda ee Faransiiska, Roland Lescure, ayaa sheegay in wasiirrada G7 ay ka wada hadleen kororka weyn ee qiimaha tamarta ee ka dhashay xiisadaha ka aloosan Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka la xiriira Iran. Wuxuu xusay in IEA laga codsaday inay diyaariso qorshe suurtagal ah oo lagu sii deyn karo keydka shidaalka haddii loo baahdo.
Dalalka G7 waxaa ka mid ah Maraykanka, Canada, Japan, Italy, UK, Germany iyo France.
Dhanka kale, qiimaha caalamiga ah ee shidaalka ayaa Isniintii gaadhay heerkii ugu sarreeyay muddo ku dhow afar sano, inkasta oo maalintii xigtay uu hoos u dhacay qiyaastii 11% kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in dagaalka Bariga Dhexe laga yaabo inuu dhowaan dhammaado.
Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan kale oo khadka telefoonka ah si ay uga wada hadlaan tartanka dhaqaalaha iyo qiimaha tamarta. Kulankaas waxaa ka qayb qaadan doona Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, Ra’iisul Wasaaraha Belgium Bart De Wever iyo hoggaamiyeyaal kale.
Dowladaha Yurub ayaa ka cabsi qaba in ay dib ugu noqoto qalalaasihii tamarta ee dhacay sanadkii 2022, markii Ruushku weeraray Ukraine, taas oo keentay koror aad u weyn oo ku yimid qiimaha tamarta, isla markaana warshado badan ku qasabtay inay joojiyaan ama yareeyaan wax soo saarkooda.
Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in Yurub ay si weyn ugu tiirsan tahay shidaalka dibadda laga keeno, taas oo keenta nuglaansho dhaqaale. Waxay sidoo kale tilmaantay in hoos u dhigista tamarta nukliyeerka ee Yurub ay ahayd khalad istaraatiiji ah.
Guddiga Yurub ayaa qorsheynaya in Bangiga Maalgashiga Yurub (European Investment Bank) uu maalgeliyo qiyaastii 75 bilyan oo euro saddexda sano ee soo socota si loo horumariyo kaabayaasha tamarta loona yareeyo caqabadaha ka jira shabakadaha korontada.
Wakiilka Tamarta ee Midowga Yurub, Dan Jorgensen, ayaa sheegay in Yurub maanta ay ka diyaar garow fiican tahay marka loo eego xaaladdii bishii February 2022, isaga oo xusay in sahayda tamarta hadda ay ka timaaddo ilo kala duwan sida Norway iyo Maraykanka, halka ka hor 2022 qiyaastii 40% gaaska Yurub uu ka iman jiray Ruushka.


0 





