Dhakhaatiir Xoolaha Ah Oo Adeegyo Caafimaad Ka Fuliyay Deegaanno Hoos Yimaada Ceerigaabo

0
Wednesday March 11, 2026 - 13:48:58 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhaatiir Xoolaha Ah Oo Adeegyo Caafimaad Ka Fuliyay Deegaanno Hoos Yimaada Ceerigaabo

    Hawl-galkan ayaa qayb ka ah qorshayaasha wasaaradda ee lagu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawl-galkan ayaa qayb ka ah qorshayaasha wasaaradda ee lagu...



Dhakhaatiir ka tirsan Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer-Miyiga ayaa hawlo shaqo ka wada deegaannada miyiga ah ee hoos yimaada magaalada Ceerigaabo. Deegaannada ay hawlgalladu ka socdaan waxaa ka mid ah Jiidali, Dabablehe, Shurko iyo Doco.


 

Hawl-galkan ayaa qayb ka ah qorshayaasha wasaaradda ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka xoolaha ee laga hirgelinayo dhulka miyiga ah, si loo taageero bulshada xoolo-dhaqatada ah ee ku nool deegaannadaas.



 

Inta ay hawshu socoto, dhakhaatiirta ayaa bulshada u fidinaya adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin daaweynta xoolaha, wacyigelin ku saabsan ilaalinta caafimaadka xoolaha, iyo tallaabooyin looga hortagayo cudurrada ku dhaca xoolaha.


 

Ujeeddada hawlgalkan ayaa ah in la kordhiyo daryeelka caafimaad ee xoolaha, maadaama xooluhu laf-dhabar u yihiin nolosha iyo dhaqaalaha bulshada ku nool miyiga.

Loading...
Loading...