Wasiirka Maaliyadda oo Kulan La Qaatay Maamulayaasha Cashuuraha Berriga ee Hargeysa

0
Tuesday March 10, 2026 - 15:00:59 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda oo Kulan La Qaatay Maamulayaasha Cashuuraha Berriga ee Hargeysa

    dardargelinta kor-u-qaadista dakhliga gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dardargelinta kor-u-qaadista dakhliga gudaha


Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdillaahi Xasan Aadan, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa kulan shaqo la yeeshay Maamulayaasha Xafiisyada Cashuuraha Berriga ee degmooyinka ka tirsan magaalada Hargeisa.

 

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada billaha ah ee lagu qiimeeyo waxqabadka iyo horumarka ururinta dakhliga gudaha, waxaana sidoo kale ka qayb galay masuuliyiinta Waaxda Cashuuraha Berriga.

 

Ujeeddada Kulanka

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray:

 

dardargelinta kor-u-qaadista dakhliga gudaha

 

qiimaynta waxqabadka xafiisyada cashuuraha

 

caqabadaha ka jira ururinta cashuuraha

 

iyo fursadaha lagu horumarin karo nidaamka dakhliga.

 

Maamulayaasha xafiisyada cashuuraha berriga ee degmooyinka Hargeysa ayaa mid mid u soo bandhigay warbixinno ku saabsan shaqada xafiisyadooda, heerka dakhliga ay soo xareeyeen iyo tallaabooyinka ay qaadeen si loo kordhiyo waxtarka shaqadooda.

 

Dakhliga oo Ka Sarreeyey Qorshaha

 

Warbixinaha la soo bandhigay ayaa muujiyey in dakhliga dhabta ah ee Waaxda Cashuuraha Berrigu soo xareysay bilihii January iyo February 2026 uu ka sarreeyey ku-talo-galkii dakhliga ee muddadaas, taas oo muujinaysa korodh muuqda oo ku yimid ururinta dakhliga gudaha.

 

Sidoo kale waxaa la sheegay in dakhliga ugu badan ee cashuuraha berriga uu ka soo hoydo Degmada Hargeysa, maadaama ay tahay xarunta ugu weyn ee ganacsiga iyo adeegyada dalka.

 

Dardaaranka Wasiirka

 

Gabagabadii kulanka, Wasiirka Maaliyadda Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa ku ammaanay maamulayaasha cashuuraha dedaalka iyo natiijooyinka ay gaadheen bilihii ugu horreeyey ee sannadka.

 

Wasiirku wuxuu ku boorriyey inay:

 

sii laba-laabaan dedaalkooda

 

xoojiyaan wada-shaqaynta

 

isla markaana xal u helaan caqabadaha jira

 

si loo xaqiijiyo gaadhista bartilmaameedka dakhliga ee loo qorsheeyey sannadkan.


Loading...
Loading...