Wasiirka Dowladaha Hoose: Burco iyo Wajaale Waxaa Laga Hirgelinayaa Mashruucyo Maareynta Qashinka
Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in dhawaan laga hirgelin doono
magaalooyinka Burco iyo Wajaale mashaariic waaweyn oo lagu maareynayo qashinka,
si xal waara loogu helo dhibaatada qashinku ku hayo bulshada iyo bilicda
magaalooyinka.
Wasiirku wuxuu sheegay in qorshahan uu yahay mid cusub oo
lagu doonayo in qashinka laga dhigo khayraad dhaqaale, halkii uu ahaan lahaa
dhibaato deegaanka ku ah. Waxa uu xusay in dhowaan labada magaalo la geyn doono
mashiinno casri ah oo qashinka dib u warshadayn kara.
Qashinka oo Laga Dhigayo Khayraad Dhaqaale
Wasiirku wuxuu tilmaamay in mashiinnada la keeni doono ay
awood u yeelan doonaan:
kala saaridda qashinka
dib u warshadaynta balaastiigga iyo walxo kale
iyo in laga soo saaro waxyaabo ganacsi ahaan loo isticmaali
karo.
Wuxuu yidhi:
"Burco iyo Wajaale waxa ka bilaabmaya oo aan seeska u
dhignay maareynta qashinka. Ilaa wakhtigii Ingiriiska ee magaalooyinkeenu
samaysmeen qashinkeena xal buuxa looma helin. Laakiin hadda qashinku wuxuu
noqonayaa qayb ka mid ah dhaqaalaha dalka, qofkuna xitaa caagaha biyaha uu cabo
wuu miisaami doonaa.”
Mashiinnada oo Dhawaan La Keenayo
Wasiirku wuxuu sheegay in mashiinnada maareynta qashinka
dhawaan la keeni doono, isla markaana la rajaynayo in bil gudahood la furo
xarumahaas si ay u bilaabaan shaqada.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu:
hagaajiyo nadaafadda magaalooyinka
abuuro fursado shaqo
isla markaana qashinka u beddelo hanti dhaqaale oo dalka dib
ugu soo noqota.
Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL
ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho shaqo ku joogay magaalada
Wajaale.


0 





