Xafiiska Isku-xidhka Amniga Badda JSL oo Qaabilay Wafti ka Socday Sunday Times
Agaasimaha iyo Agaasime ku-xigeenka Xafiiska Isku-xidhka Amniga Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mohamed Adam Tukale iyo Mudane Yahye Mohamed Xanas, ayaa xafiiskooda ku qaabilay wafti ballaadhan oo ka socday The Sunday Times oo fadhigiisu yahay United Kingdom.
Waftiga oo u joogay Somaliland daraasad iyo warbixin ku saabsan amniga badaha, waxaa hoggaaminayay Venetia Menzies iyo Nimco Ali.
Qodobada Kulanka
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray:
xaaladda amniga badda ee Somaliland
muhiimadda ilaalinta marin-biyoodka gobolka
iyo doorka ay hay’adaha Somaliland ka qaataan xasilloonida iyo amniga badaha.
Agaasimayaasha xafiiska ayaa waftiga u sharaxay qiimaha istiraatiijiga ah ee uu xafiiskani u leeyahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada:
isku-xidhka hay’adaha ka shaqeeya amniga badda
ururinta xogta iyo cilmi-baarista amniga badaha
iyo la shaqaynta hay’adaha caalamiga ah.
Waxay sidoo kale sheegeen in xafiisku qorshaynayo soo saarista joornaal (Maritime Magazine) oo diiradda saari doona arrimaha amniga badda, ganacsiga iyo cilmi-baarista la xidhiidha badaha gobolka.
Wada-Shaqayn Mustaqbalka
Dhankooda, xubnaha waftiga Sunday Times ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay inay la yeeshaan xidhiidh dhow iyo wada-shaqayn joogto ah Xafiiska Isku-xidhka Amniga Badda, si loo helo warbixino sugan iyo cilmi-baaris ku saabsan amniga badaha Somaliland.
Ugu dambayn, maamulka xafiiska ayaa sheegay inay ka go’an tahay in la xoojiyo xidhiidhka, cilmi-baarista iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin cid kasta oo danaynaysa horumarinta iyo fahamka amniga badaha Somaliland iyo gobolka.


0 





