Dhakhaatiirta Xoolaha oo Adeeg Caafimaad Ka Fuliyey Deegaanka Sangagale
Isuduwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Gobolka Saaxil, oo ay weheliyeen koox dhakhaatiir xoolaha ah, ayaa safar shaqo ku gaadhay deegaanka Riiga Biyaha ee Faro Deero, gaar ahaan deegaanka Sangagale.
Socdaalkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda xoolaha iyo bixinta adeegyo caafimaad oo lagu daryeelayo xoolaha ay dhaqdaan bulshada deegaankaasi.
Intii ay halkaasi joogeen, dhakhaatiirta xooluhu waxay daaweyn iyo daryeel caafimaad u sameeyeen xoolo badan, kuwaas oo isugu jiray geel iyo adhi, si loo xoojiyo caafimaadkooda loona kordhiyo wax-soo-saarkooda.
Adeeggan caafimaad ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee lagu taageerayo xoolo-dhaqatada iyo horumarinta dhaqaalaha reer miyiga, maadaama xooluhu ay laf-dhabar u yihiin nolosha bulshada ku dhaqan deegaannada miyiga.


0 





