Beeni Raad Ma Leh: Muuse Waa Muusihiisii!

0
Sunday August 04, 2019 - 11:57:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beeni Raad Ma Leh: Muuse Waa Muusihiisii!

    Cabdiraxmaan Ciise Aadan waa wiil Soomaaliyeed oo siduu sheegay siyaasiyiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Ciise Aadan waa wiil Soomaaliyeed oo siduu sheegay siyaasiyiin

Soomaaliyeed gacan bidixeeyeen. Arrintani waxay dhacday 2013kii.

 

Haddaba waxa la yaab leh in Muuse Biixi arrintan u isticmaalo inuu ku abuuro nacayb iyo cadaawad Soomaali dhexdeeda ah. Muuse wuxuu ka been sheegayaa dhacaddan waqtigay dhacday isagoo leh waxay dhacday xilligii Farmaajo! Maxaa kallifaya dhacdadan 2013kii dhacday in Muuse Biixi uu Farmaajo oo la doortay 2017kii dusha u saaro?

 

1) Sababtu waxa weeye inuu Muuse Biixi tuso dadka reer Somaliland ee Isaaqa ah in Farmaajo oo "DAAROOD AHI " cadaawad u hayo Isaaq oo qabiil ahaan ula dagaallamayo. Dhaqankan foosha xun waxa caan ku ahaa Faysal Cali Waraabe, waxaase intii Muuse Biixi xukunka qabtay bannaanka u soo baxday in Muuse Biixi dhanka xumaanta iyo colaad hurinta kaga xun yahay Faysal. Arrinkan dadku sidaa uma wada ogayn, intii hore u taqaannayna waxay is lahaayeen colaadihii uu huriyey ee Harbar-Habarta ee iscafiska ku soo dhammaaday 1997, xasaradihii SNMta dhexdeeda ee uu qaybta weyn kulahaa ayuu ku waayo arkayaa oo caqli baa u kordhaya. Xaqiiqadu waxa weeye hadalkii ahaa "inkastuu durdur iyo dabaal galo doofaar abidkii ma daahiro". Muuse waa Muusihiisii.

 

Muuse iyo inta la nooca ahi ee reeraha kale ahi Isaaq iyo Daarood toonna naf uma hayaan. Muuse markuu wasiirka arrimaha gudaha ahaana colaad buu Isaaq geliyey. Maanta oo uu Madaxweyne Somaliland yahayna colaad kale ayuu Isaaq ka dhex hurinayaa. Markaa ma Daarood baa Isaaq neceb oo ku cadow ah mise Muuse Biixi ayaa Isaaq iyo Daarood iyo Soomaaloo dhanba ku cadow ah? Ma jirto colaad Isaaq iyo Daarood u dhexeysaa taariikhdana inamay soo marin. Way dhici jirtey laba reer oo deris ah inay cilaadihii dhaqanku dhex maraan sida Ogaden iyo Habar Yoonis, Ciidagale iyo Ogaden, Dhulbahante iyo Habarjeclo, Habaryoonis iyo Dhulbahante iwm waana laga heshiin jirey. Weli lama arag Daarood iyo Isaaq dagaallamay, waxase colaaddaa ku hadaaqa Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe labadooday gaar u tahay.

 

Waxa xaqiiqo ah inaan colaad qabiil u dhexayn Soomaali maanta, wixii hore u dhacay ee sababay burburka iyo kala qoqobkana intii caqli lihi ay maanta waa qoomamaynaysaa. Cabdiraxmaan yare oo xilliyadii burburka dhashay oo Burco joogaana waa markhaati ina hor taagan. Cabadiraxmaan isagoo cadaalad darro tirsanaya ayuu haddana garanayaa aanadiisa cidda ka masuulka ahi inay tahay "qof siyaasi ah " oo Muuse Biixi oo kale ah. Cabdiraxmaan qabiil iyo qaran Soomaaliyeed toonna uma ciil qabo, cuqdadna kama qabo.

 

Siyaasaddu mar uun bay saldhigan doontaa siday doonto ha ku dhammaatee, waxase xaqiiqo ah in Soomaaliyi kala guurayn kalana maarmi karin, meeshay doonaan ha joogeen, qabiilkay doonaana ha ahaadeene.

 

"Isma huri karnoo, hilbo wada dhashiyo, hayb qudhaynu nahay" (Khadra Daahir Cige).

 

 

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...