Masuuliyiinta Gobolka Daadmadheedh oo Kormeeray Dugsiyada Gobolka
Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh, Cabdiraxmaan Herer, iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Cali Cabdiraxmaan (Cali Dhuux) ayaa socdaal kormeer ah ku maray dugsiyo kala duwan oo ku yaalla gobolka Daadmadheedh.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in si toos ah loogu kuurgalo xaaladda waxbarashada, gaar ahaan saamaynta ay abaaraha ba’ani ku yeesheen dugsiyada iyo ardayda ku nool deegaannada gobolka.
Intii uu socdaalku socday, masuuliyiintu waxay warbixino faahfaahsan ka dhegaysteen:
maamulayaasha dugsiyada
guddoomiyeyaasha degmooyinka
madaxda tuulooyinka ay booqdeen
Warbixinnadaasi waxay iftiimiyeen caqabadaha ka jira waxbarashada, iyadoo la sheegay in abaartu sababtay hoos u dhac ku yimid tirada ardayda dugsiyada, isla markaana ay jirto baahi weyn oo loo qabo adeegyada aasaasiga ah si looga hortago in dugsiyada qaarkood xidhmaan.
Guddoomiyaha Gobolka iyo Guddoomiyaha Waxbarashada ayaa ballan-qaaday inay xogta iyo baahiyaha ay soo arkeen gaadhsiin doonaan laamaha dawladda iyo hay’adaha gurmadka, si loo helo taageero degdeg ah oo wax looga qabto saamaynta abaaraha ee dhinaca waxbarashada.


0 





