Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada oo Ka Hadlay Kiisaska Kufsi ee Hargeysa
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in sannadkii 2025 magaalada Hargeysa oo keliya laga diiwaangeliyey 500 kiis oo kufsi ah, kuwaas oo intooda badan aan wali la horgeyn maxkamadaha.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in dadkii falalkaasi geystay tiro aad u yar la horkeenay maxkamadda, isla markaana boqolkiiba 10% ka yar oo keliya lagu guulaystay in la xukumo.
Wuxuu Golaha Guurtida Somaliland ka codsaday in la dardargeliyo Xeerka Kufsiga, si loo helo sharci adag oo ka hortaga falalkan, islamarkaana lagu xakameeyo dhibaatooyinka bulshada ku soo badanaya.
Agaasimaha Guud wuxuu yidhi:
"Sannadkii dhammaaday ee 2025, Hargeysa oo keliya waxa laga diiwaangeliyey 500 kiis oo kufsi ah, waxaana maxkamad la geeyey oo la xukumey wax aan gaadhayn 10%. Sidaa darteed waxaan ka codsanaynaa Golaha Guurtida in Xeerka Kufsiga dib loo soo nooleeyo.”
Hadalkan ayuu ka sheegay xaflad lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka (8 March), halkaas oo diiradda lagu saaray badbaadada haweenka iyo gabdhaha iyo baahida loo qabo sharciyo adag oo ilaalinaya xuquuqdooda.


0 





