Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Ku Baaqay Is-Saamaxaad Bahda Caddaaladda

0
Monday March 09, 2026 - 13:15:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Ku Baaqay Is-Saamaxaad Bahda Caddaaladda

    Aadan Xaaji Cali wuxuu sheegay in shaqada caddaaladda..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aadan Xaaji Cali wuxuu sheegay in shaqada caddaaladda..


Aadan Xaaji Cali, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa ku baaqay in bahda caddaaladdu ay is-cafiyaan oo is-saamaxaan, si loo xoojiyo wada-shaqaynta iyo isu-tanaasulka ka dhex jira hay’adaha caddaaladda.


 

Guddoomiyuhu wuxuu hadalkan ka sheegay kulan afur ah oo ay iskugu yimaadeen bahda caddaaladda iyo hay’adaha la shaqeeya, isaga oo tilmaamay in kulankaasi yahay mid muhiim u ah isu imaatinka iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya garsoorka iyo hay’adaha kale.



 

Aadan Xaaji Cali wuxuu sheegay in shaqada caddaaladda ay mararka qaar ka dhalan karaan aragtiyo kala duwan iyo doodo, balse ay muhiim tahay in la is-cafiyo, gaar ahaan bisha barakaysan ee Ramadaan, si Ilaahay uga aqbalo acmaasha soonka.


 

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in sannadkii la soo dhaafay ay jireen arrimo badan oo ay bahda caddaaladdu soo mareen, sida dawladda cusub iyo shirkii caddaaladda, isla markaana uu hadda "jabkaasi xidhmay”.


 

Wuxuu ugu dambayn ku boorriyey dhammaan ka qaybgalayaasha inay is-cafiyaan oo qalbiyadooda nadiifiyaan, isaga oo sheegay in ujeeddada ugu weyn ee kulanka afurku ay tahay isu soo dhowaansho iyo is-saamaxaad.

Loading...
Loading...