QORAAL RASMI AH OO KU SOCDA XUKUUMADDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
E‑Visa iyo xidhiidhka duulimaadyada.
Ku:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland .
Og:
Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Og:
Wasaaradda Duulista & Hawada .
Og:
Wasaaradda Maaliyadda .
Ujeeddo:
Ka Faa’iidaysiga Xaaladda Dhaqaale ee Ethiopian Airlines iyo Dib-u-eegista Heshiiska E‑Visa.
Mudane/Maro Wasiir,
Iyadoo ay jiraan isbedelo waaweyn oo ka socda gobolka iyo caalamkaba, gaar ahaan dagaalka Bariga Dhexe ee sababay:
- In garoomada UAE qaarkood ay xidhmaan, taas oo hakisay duulimaadyadii Dubai
- In Ethiopian Airlines ay shaacisay khasaare dhaqaale oo aad u weyn oo ka dhashay khalkhalka duulimaadyada gobolka
- In Itoobiya ay si joogto ah uga faa’iidaysato suuqa Somaliland iyada oo aan wax tanaasul ah ka bixin .
Waxaan soo jeedinaynaa in Xukuumadda Somaliland ay qaaddo tallaabo degdeg ah oo istaraatiiji ah oo ku saabsan
E‑Visa iyo xidhiidhka duulimaadyada.
1. Fursadda Siyaasadeed ee Jirta:
Dhibaatada dhaqaale ee Ethiopian Airlines ku dhacday waxay abuuraysaa:
- Baahi ay Itoobiya u qabto inay ilaashato suuq kasta oo faa’iido u leh
- Inay ka fogaato khasaaro dheeri ah oo ka iman kara joojinta duulimaadyada Hargeysa
- In Somaliland ay yeelato awood dheeri ah oo ay ku gorgortanto.
Tani waa fursad Somaliland u ogolaanaysa inay:
- Dib u eegto E‑Visa
- Ka hortagto isku dayga Soomaaliya ee ku wajahan in Somaliland la hoos geeyo nidaamkooda Muqdisho.
- Ku qasbato Itoobiya inay tixgeliso danaha Somaliland.
2. Talo: In Itoobiya Lagu Wargeliyo ,
Haddii Itoobiya:
- Aanay joojin nidaamka E‑Visa ee ay ku taageerayso Soomaaliya
- Aanay aqbalin in Somaliland si madax-bannaan u maamusho socdaalka iyo duulimaadyada.
Markaas Somaliland waxay xaq u leedahay inay ku tidhaahdo:
"Haddii aad sii waddaan E‑Visa-ka Soomaaliya, duulimaadyadiina lama aqbali doono, ama waxaa la gelin doonaa xayiraad sharci ah.”
Ethiopian Airlines ma awoodi karto khasaaro kale oo ka badan kan ay hadda wajaheyso.
Taasi waxay Somaliland siinaysaa awood gorgortan oo dhab ah.
3. Faa’iidada Somaliland Ka Helayso:
- In la ilaaliyo madax-bannaanida socdaalka
- In laga hortago isku day kasta oo lagu wiiqayo qaranimada
- In Itoobiya lagu qasbo inay Somaliland ula dhaqanto sidii dal madax-bannaan
- In la helo heshiisyo dhaqaale iyo siyaasadeed oo ka wanaagsan kuwii hore.
4. Gunaanad:
Xukuumadda Somaliland waa inay si degdeg ah uga faa’iidaysataa xaaladda dhaqaale ee Itoobiya iyo Ethiopian Airlines.
Fursadahan ma aha kuwo soo noqnoqda.
Dawladuhu waxay ku guulaystaan marka ay fursadaha aduunka ka faa’iidaystaan, ee aanay ka baqan.
Waxaan ku boorinaynaa xukuumadda Somaliland qaado talaabo cad oo degdeg ah:
- Ilaalayso madax-bannaanida Somaliland
- Ka hortagta faragelinta Soomaaliya
- Ku khasbaysa Itoobiya inay tixgeliso danaha Somaliland.
Waa waajib qaran.
Qalinkii:
Cali Biixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





