Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho. SAWIRO

0
Sunday August 04, 2019 - 10:48:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho. SAWIRO

    Muqdisho, Ogoosto 4, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Ogoosto 4, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.



Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.


Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanno, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.

DHAMMAAD

 

Loading...
Loading...