Komishanka Maamul Wanaaga oo Borama ka Bilaabay Kullamo ku Saabsan Maamul Daadejinta
Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga iyo Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ayaa magaalada Borama ka bilaabay kullamo lagaga arrinsanayo sidii gobolka Awdal loo gaadhsiin lahaa mashruuca maamul daadejinta.
Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay in adeegyada ay muwaadiniintu u tegi jireen caasimadda Hargeysa laga heli karo gobollada kale, gaar ahaan in gobolka Awdal iyo magaalada Borama ay noqdaan xarun laga helo adeegyadaas.
Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay muhiimadda mashruucan ayaa sheegay in ay waajib tahay in muwaadiniintu adeegyada dowladda ka helaan gobolladooda, si looga yareeyo kharashaadka, wakhtiga iyo safarrada badan ee ay dadka ku bixin jireen helitaanka adeegyada.
Waxa uu yidhi:
"Gobolka Awdal waxa uu nasiib u helay inuu ka mid noqdo labada gobol ee lagu bilaabayo mashruucan maamul daadejinta, kaas oo lagu isku keenayo adeegyada ay dadku u baahnaayeen hal meel. Tani waxay qofka ka yaraynaysaa kharashkii, socodkii iyo wakhtigii badan ee kaga lumi jiray marka ay u safraan Hargeysa.”
Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in gobollada Galbeedka Somaliland ay mustaqbalka adeegyada dowladda ka heli doonaan magaalada Borama, taas oo kor u qaadaysa hufnaanta adeegyada iyo horumarka gobolka Awdal.


0 





