Madaxweynaha Somaliland oo Afur Kula Qaatay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan afur ah qasriga Madaxtooyada kula qaatay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Kulankan oo uu Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa ku qabsoomay jawi is-ixtiraam iyo is-afgarad leh, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, amniga iyo wadajirka bulshada ee gobollada Awdal iyo Selel.
Madaxweynaha iyo Ugaaska ayaa ka wada hadlay doorka muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada.
Madaxweynaha ayaa Ugaaska ku bogaadiyey kaalinta ay hoggaanka dhaqanku kaga jiraan ilaalinta nabadda iyo isku haynta bulshada, isaga oo xusay in xukuumaddu mar walba diyaar u tahay wada-shaqayn dhow oo ay la yeelato madax-dhaqameedka.
Dhankiisa, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta nabadda, midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada Somaliland.


0 





