Dr. Adna Aadan oo Ka Hadashay Doorka Haweenka ee Horumarka Qaranka

0
Sunday March 08, 2026 - 13:39:36 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Adna Aadan oo Ka Hadashay Doorka Haweenka ee Horumarka Qaranka

    Iyadoo arrintaas ka hadlaysa ayay tidhi:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo arrintaas ka hadlaysa ayay tidhi:


Dr. Adna Aadan ayaa ka hadashay kaalinta muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin dalka, bulshada iyo horumarka qaranka, iyadoo sheegtay in haweenku ka mid yihiin waxyaabaha ugu qiimaha badan ee ummaddu ku faanto.


 

Waxay tilmaantay in haweenku door weyn ka qaataan dhismaha bulshada, gaar ahaan doorka hooyooyinka iyo gabdhaha ee kobcinta qoyska iyo bulshada guud ahaan.



 

Dr. Adna ayaa sidoo kale xustay in munaasibad loo qabtay xuska haweenka ay tahay mid qiimo weyn leh, isla markaana ay ku beegantay 24 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska Cisbitaalka Adna.


 

Iyadoo arrintaas ka hadlaysa ayay tidhi:


"Qaranku waxyaabaha qiimaha badan ee uu ku faano ayay haweenku ka mid yihiin. Munaasibaddan oo loogu magac daray haweenka waa mid aad u qiimo badan, waayo hawsha ay bulshada iyo qarankaba u qabtaan waa in la xuso. Hooyadu waa waxyaabaha ugu qiimaha badan ee qaranku ku faano, anigana si gaar ah ayay ii taabanaysaa maadaama Cisbitaalka Adna uu 24 sano jirsanayo.”


 

Dr. Adna Aadan ayaa ku boorrisay bulshada in la qaddariyo laguna dhiirrigeliyo haweenka, maadaama ay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo qaranka.


Loading...
Loading...