Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo Ka Qayb Galay Shirkii Agaasime-Waaxeedyada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Cabdiraxmaan Xuseen X. Xirsi, ayaa ka qayb galay shirka toddobaadlaha ah ee agaasime-waaxeedyada wasaaradda.
Shirkan oo la qabto maalinta Axadda ee toddobaad kasta ayaa lagu falanqeeyaa qorshayaasha toddobaadka iyo sida loo fulinayo hawlaha shaqo. Inta uu shirku socdo, agaasime-waaxeedyadu waxay soo bandhigaan waxqabadkii u qabsoomay toddobaadkii tegay iyo qorshayaasha shaqo ee toddobaadka soo socda.
Agaasimaha Guud, Cabdiraxmaan Xuseen X. Xirsi, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka shirka, ayaa uga mahadnaqay agaasime-waaxeedyada dadaalka ay u hayaan bulshada, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan horumarinta shaqada, si bulshada loo gaadhsiiyo adeeg waxbarasho oo hufan oo tayo leh.


0 





