Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Laga Hirgeliyay Dawaarle Casriya Oo Lagu Magacaabo Elite Tailor
Hargeysa(HWN):-Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa markii ugu horreysay laga furay Dawaarle Casriya oo lagu magacaabo "Elite Tailor”,kaas oo ku yaala Xaafada Jigjiga yar, gaar ahaan ka soo horjeedka Jaamacadda New Generation.
"Waxaan ugu bushaareynaynaa dadweynaha reer Somaliland inaan u furnay Dawaarle Casriya oo lagu magacaabo "Elite Tailor”. Dawaarlahani waxa uu umadda u tolayaa Suudhadhka, Safaariyadda, Saraawiisha, Shaadhadhka, Suudh-safaariyadda, Khamiisyada, Dharka qalin-jebinta Jaamacaddaha, Direysyada Iskuullada,Direysyada Ciiddamadda, Direysyada Shirkadaha,”.Ayuu yidhi Khabiirka dharka ee Dawaarlaha Elite Tailor Maxamed Cabdo Cali oo muddo dhowr iyo soddon sanadood wax tolaayay.
Mar uu ka hadlaayay arrimaha dharka haweenka waxa uu yidhi "Waxaanu ugu bushaareynaynaa dumar-weynaha reer Somaliland inaanu u toli-doono nooc-kasta oo dhar ah oo ay dalbadaan, haday tahay Cabaayadaha, Toobabkii, iyo nooc wal oo ay u baahdaan ee ha moogaaniina”.Ayuu yidhi Maxamed
Dawaarlahan Casriga ah Elite Tailor waxa la keenay qalab casriya, isla markaana waxa jooga shaqaale khibrad iyo waayo-aragnimo dheeraad ah u leh shaqada,Sidoo kale waxa yaala dhar tayo leh oo qiimo baddan,kuwaas oo raali-gelinaaya macaamiisha jecel inay toshaan dhar leeg cabir ahaan, iyo dookh ahaanba
"Waxaan ummadda ugu bushaareynaynaa inaanu u sameynayno Cabirkasta,Ceynkasta oo dookhooda ah oo ay naga tolonayaan,qiimuhuna wuu raali-gelin doono, Hamoogaanina Dawaarlaha Elite Tailor, Ballanteenu waa Elite Tailor”.Ayuu yidhi Maxamed Cabdo.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland