Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Oo Ka Hadlay Shir Muhiim Ah Oo Ay La Yeesheen Maamulka Jaamacadaha Dalka.

0
Sunday February 03, 2019 - 19:31:43 in News by Super Admin
  • Visits: 1229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Oo Ka Hadlay Shir Muhiim Ah Oo Ay La Yeesheen Maamulka Jaamacadaha Dalka.

    Hargeysa (HWN) Masuuliyiinta wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland ayaa kulan la qaatay maamulka jaamacadaha kala duwan ee ka hawl gala dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) Masuuliyiinta wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland ayaa kulan la qaatay maamulka jaamacadaha kala duwan ee ka hawl gala dalka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaarada waxbarsahada somaliland ayaa ku saabsanaa sidii loo qorshe ay hore iskula qaateen oo ku saabsanaa kor u qaadida tayada waxbarasho ee jaamacadaha dalka iyo qiimayn lagu samaynayo jaamacadaha dalka.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo sayniska somaliland Maxamed Daahir Axmed oo ka hadlay kulankan ayaa ka waramay ujeedada shirkan waxaanu yidhi "Shirkani waa qayb ka mid ah wada tashiyadii u socday wasaarada iyo jaamacadaha dalka, waxyaabaha aynu isla eegaynana waxa ka mid ah qorsheyaashii lagu hubinayey tayada waxbarashada ee jaamacadaha iyo qodobada taabanaya iyo  talada aad ka soo dhiibateen  qodobada ku saabsan tayeynta waxbarashada jaamacadaha.”


Wasiir ku xigeenka waxbarashada somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxyaabaha ugu muhiimsan ee wasaaradu awooda saarayso waxa ka mid ah inaanay jaamacaduhu bilaabin kuliyado cusub iyaga oo aan u helin ansixinta wasaarada, qofkuna waa inuu leeyahay xirfada shahaadada uu wato, jaamacaduhu shahaadooyinka ay bixinayaan waa inay noqdaan qaar ay awood u leeyihiin dhaqaale ahaan, maamul ahaan iyo aqoon ahaanba.”


Loading...
Loading...