Qandaraaska Dib-u-dhiska Suuqa Idaacadda Hargeysa oo La Shaaciyey

0
Saturday March 07, 2026 - 12:42:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qandaraaska Dib-u-dhiska Suuqa Idaacadda Hargeysa oo La Shaaciyey

    Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in mashruuca lagu fulin doono ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in mashruuca lagu fulin doono ...


Guddiga Qaran ee loo xil saaray dib-u-dhiska Suuqa Idaacadda Hargeysa ee dhawaan gubtay ayaa shaaciyey baahinta qandaraaska dhismaha suuqaasi, kaas oo la qorsheeyey in si casri ah dib loogu dhiso.


 

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in qandaraaskan ay soo codsan karaan shirkad kasta oo awood u leh dhismaha suuqyada casriga ah.



 

Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in mashruuca lagu fulin doono qaab maalgelin dhisme (investment construction), taas oo macnaheedu yahay in kharashka dhismaha ay wada bixinayaan shirkadda ku guulaysata qandaraaska iyo dadka kiraysta qolalka suuqa.


 

Mashruucan ayaa la filayaa inuu dib u soo nooleeyo ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa suuqa Idaacadda Hargeysa, isla markaana uu suuqan u beddelo mid casri ah oo daboolaya baahida ganacsatada iyo bulshada.

Loading...
Loading...