Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maamul-Xumada Hantida Ummada
April 13, 2019 goor fiid ah ayaan booqday cisbitaalka guud ee Hargeysa oo wax ka yar 2 kilometer u jira madaxtooyada Somaliland. Qof ehelkayga ah oo qaliin lagu sameeyay ayaan cisbitaalka ku booqday. Waadh ka mid ah waadhadhka bukaanka qaliinka ee ragga ayaan galay. Waadhka gudihiisa kulayl iyo huur ayaa ka jiray oo marawaxaduhu may shaqaynayn (eeg sawirkan aan ka soo qaaday waadhka). Dad badan ayaa furaashyo iyo saliyo u yaaleen banaanka hore ee waadhka oo sida la ii sheegay ahaa ehelada bukaanada iyo bukaanada qaarkood oo xamili la’aa kulaylka waadhka gudihiisa ka jiray. Hadaba midkee mudan in gaadhi raaxo oo ah Hyundai ama Landcruiser lagu iibiyo lacag dhan 38,000 oo dollar oo ah lacagtii ummada? Ma waxa mudan in lagu daryeelo cisbitaaladeena dhaqaale xumadu ka muuqdo? Ma waxa mudan in riig lagu kireeyo oo ceelal loogu qodo reer miyiga abaaraha iyo biyo la’aantu dhibaateeyeen?
Gabagabadii, Madaxweyne Muuse Biixi ma ka leexday dariiqii hore? Mise wali wuxuu hayaa dariiqii hore ee cashuurta masaakiinta laga soo ururiyay la musuqmaasuqayay, laguna iibsanayay baabuurta raaxada?
Mohamud Sh Abdi Yusuf (Geedwareershe)
Minneapolis, Minnesota, USA
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!