Dekedda Berbera oo Noqonaysa Xarun Ganacsi oo Muhiim ah Geeska Afrika

0
Saturday March 07, 2026 - 12:34:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda Berbera oo Noqonaysa Xarun Ganacsi oo Muhiim ah Geeska Afrika

    Masuuliyiinta dekeddu waxay sidoo kale tilmaameen in wada-hadallo..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta dekeddu waxay sidoo kale tilmaameen in wada-hadallo..



Dekedda caalamiga ah ee Berbera, oo ku taalla Gacanka Cadmeed, ayaa sanadihii u dambeeyay ku tallaabsatay horumar muuqda kadib maalgelin iyo casriyeyn ay ku samaysay shirkadda caalamiga ah ee DP World.


 

Warbixin ay faafisay wakaaladda AFP, oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa lagu sheegay in dekedda Berbera hadda loo arko mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee sida degdegga ah u kobcaya ee Geeska Afrika.



 

Maamulka dekedda ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa konteenarrada iyo maraakiibtu kordheen qiyaastii 30% muddadii u dhexeysay 2023 ilaa 2025, taas oo muujinaysa kobaca ganacsiga iyo isticmaalka dekedda.


 

Masuuliyiinta dekeddu waxay sidoo kale tilmaameen in wada-hadallo lala wado Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, ay horseedi karaan korodh weyn oo ganacsi. Itoobiya oo leh in ka badan 130 milyan oo qof ayaa loo arkaa suuq weyn oo ka faa’iidaysan kara adeegyada dekedda Berbera.


 

Warbixintu waxay intaa ku dartay in aqoonsigii dhowaan Israa’iil siisay Somaliland laga filayo inuu kordhiyo xiisaha maalgashi iyo ganacsi ee ku wajahan dekedda, iyadoo maamulka dekeddu xusay in arrintani keeni karto ballaadhin cusub oo lagu sameeyo dekedda.


 

Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil uu yahay mid ku dhisan iskaashi iyo horumar, isla markaana Somaliland ay doonayso inay ka qayb qaadato xasilloonida iyo koboca dhaqaalaha gobolka.


 

Maamulka magaalada Berbera ayaa sheegay inay rajeynayaan in horumarka ganacsi iyo fursadaha cusub ay mustaqbalka magaalada ka dhigaan xarun ganacsi oo muhiim ah oo ka hanaqaadda Geeska Afrika, iyagoo xusay in maalgelinta dekeddu ay sidoo kale kor u qaaday dakhliga canshuuraha iyo adeegyada bulshada, sida dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka.

Loading...
Loading...