Waaxda DRM ee Dawladda Hoose Borama oo Olole Wacyigelin ka Fuliyey Deegaanno ka tirsan Borama

0
Saturday March 07, 2026 - 12:25:03 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waaxda DRM ee Dawladda Hoose Borama oo Olole Wacyigelin ka Fuliyey Deegaanno ka tirsan Borama

    Sidoo kale, bulshada waxaa lagu dhiirrigeliyey inay kor u qaadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, bulshada waxaa lagu dhiirrigeliyey inay kor u qaadaan



Waaxda Maaraynta Masiibooyinka (DRM) ee Dawladda Hoose ee Borama, oo kaashanaysa hay’adda CARE, ayaa ka fulisay degmooyinka Sheekh Axmed Salaan iyo Sheekh Makaahiil olole wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortagga khataraha xilliga roobabka.


 

Ololahan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Waaxda Maaraynta Masiibooyinka, Maxamed Bidixo, ayaa bulshada lagu baraarujiyey inay ka fogaadaan goobaha nugul sida dooxyada iyo laagaha, maadaama lagu jiro xilliga roobabka isla markaana la filayo raxmaadka Eebbe.



 

Sidoo kale, bulshada waxaa lagu dhiirrigeliyey inay kor u qaadaan nadaafadda deegaanka, si looga hortago cudurrada ka dhalan kara qashinka iyo biyaha fadhiya.


 

Ololahani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dawladda Hoose ee Borama ay ugu jirto dhismaha bulsho feejigan oo ka hortagta masiibooyinka dabiiciga ah, isla markaana si wanaagsan ugu diyaar garooba xilliyada roobabka.

Loading...
Loading...