Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo Golaha Wasiirrada uga Warbixiyey Saamaynta Dagaalka Bariga Dhexe
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa shirkii Golaha Wasiirrada kaga hadlay xaaladda dagaalka Bariga Dhexe iyo saamaynta suurtagalka ah ee uu ku yeelan karo dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhinacyada maciishadda iyo shidaalka.
Saamaynta Suurtagalka ah ee Dhaqaalaha
Wasiirku waxa uu sheegay in xiisadaha ka aloosan marin-biyoodyada istaraatiijiga ah iyo dalalka soo saara shidaalka ay keeni karaan:
Kor-u-kac ku yimaadda qiimaha shidaalka
Kordhidda kharashaadka gaadiidka badda
Saamaynta qiimaha badeecadaha daruuriga ah ee dalka la keeno
Arrintani waxay si toos ah u taaban kartaa nolosha iyo maciishadda shacabka haddii aan si dhow loola socon.
Qorshaha Dowladda
Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaradda Ganacsigu, iyadoo kaashanaysa Guddi Sare (Task Force) oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u xil saaray arrintan, ay:
Si dhow ula socdaan isbeddellada suuqyada caalamiga ah
Sameynayaan qiimayn joogto ah
Wadaan wada-tashi ay la yeeshaan ganacsatada
Diyaarinayaan qorsheyaal lagu xasilinayo suuqyada gudaha
Tallaabooyinkan ayaa looga gol leeyahay ka hortagga sicir-bararka iyo jahawareerka ganacsi.
Baaq loo Diray Ganacsatada
Wasiirka Ganacsiga ayaa sidoo kale Golaha Wasiirrada u sheegay in ay kulamo la yeesheen ganacsatada dalka, isla markaana lagu adkeeyey:
In aan la kordhin qiimaha maciishadda
In aan la kordhin qiimaha shidaalka iyadoo lagu sababeeyo xiisadda Bariga Dhexe
Wasiirku waxa uu ganacsatada ku boorriyey inay muujiyaan masuuliyad qaran, isla markaana ay ilaaliyaan xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada.


0 





