Tuur Dhaqan Qoraalka Xun!
Qorayaal badan waxaa dib u dhigay ama ku xannibmaan, marka ay marayaan marxallada qabyaqoraalka . Waxa ay ka werweraan in qabyaqoraalkoodu wanaagsanaan waayo.
Carqallado yaryar marka ay la kulmaan way niyadjabaan. Laakiin, qorista qabyaqoraal qumman oo dhan walba ka dhammaystiran , gebi ahaanba waa wax aan suurtagal ahayn; ma jirto cid qori kartaa!
Qabyaqoraalkaaga ( draft) marka aad qoreyso , waa muhiim inaad ku kalsoonaato xirfadda tififtirkaaga , adiga oo og in hagaajintu imanayso marka dambe.
Tani dhabtii way kugu adkaan doontaa , gaar ahaan haddii aad qoreysid buugaaggii kuugu horreeyay ama aannad weligaaba, si dhab ah u tafatirin qoraal hore. Way fududdahay inaad dareento in aannad lahayn xirfadda tififtirka, sidaas awgeedna u malayso inay khasab tahay: qoridda qabyaqoraalkaaga kowaad, inuu noqdo mid dhammaystiran( perfect).
Naftaada waxaad ku qancinaysaa in aannad u baahnayn tafatir, laakiin ay muhiim tahay in marka hore la qoro, qoraal dhan walba ka dhammaystiran. Balse xaqiiqdu waxa ay tahay in aannad hadda u baahnayn qoraal qumman .
Inkasta oo tifaftirku marka hore u eekaan karo mid culus oo kaa badbadanaaya, haddana waa inaad ku kalsoonaataa, awooddaada mustabaqbalka ee ku hagaajin doonto, kuna sixi doonto waxaad qoreyso. Tani waxaa ay kaa dhigi doontaa mid aad xor u ah, intaad ku gudajirto qabyaqoraalkaaga.
Qodobka 2 aad: Dejinta filashooyin aan macquul ahayn.
Qorayaasha qaar ayaa naftooda u dejiya filashooyin aad u sarreeya oo aan macquul ahayn. Arrintana waxay u adeegsadaan laba mid uun:
1. Cudurdaar ayay ka dhigtaan ; waa inayna si dhab ah isugu dayin wixii ay dejisteen, sababta oo ah, waxa ay ogyihiin inayse gaadhi doonin.
2. Inay si kas ah naftooda ugu diyaariyaan niyadjab , maadaama arrintu tahay wax aan weligeed dhici doonin .
Dhawaaq dhegaha u roon weeyi, marka la leeyahay: " sannadkan waxaan qori doonaa afar buug", qabyaqoraalkeyga kowaad waa inuu noqdaa mid aan qalad lahayn"
Caado waxyeello leh weeyi, inaad naftaada u dhigto heer aan macquul ahayn. Qorayaasha qaar ayaa ku xannibma , maskax ku dhisan filashooyin aan dhab ahayn, ha noqoto dhanka qoraalkooda ama ha noqoto mistaqbalkooda xirfadeed. Tusaale ahaan, inaad filato buug kasta oo aad qorto, inuu noqdo ka ugu iibka badan ( bestseller)
Waxa halkan ka dhasha ayaa ah, marka aad gaadhi waydo yoolalkaas ; kuwaas oo asal ahaan sal iyo raad lahayn, inaad dareento qalbi-jab ama xitaa inaad tahay mid fashilmay. Xaaladda ugu xun ee tani kugu keeni kartaa : waxay kaa joojin kartaa inaad mar kale wax qorto!
Waxaad u baahan tahay inaad naftaada ula dhaqanto si dabacsan oo macquul ah.Waa wax caadi ah oo gebi ahaanba la aqbali karo haddii buuggaaga (gaar ahaan buuggaaga ugu horreeya, aannu noqon ka ugu iibka badan) Taasi sinnaba uma qeexayso qiimahaaga qoraannimo ama qiimaha buuggaaga. Waxaa jira qorayaal badan oo guulleystay, hantiyayna akhristayaal, qoraalkoodana ka sameeyay faa'iidooyin badan, hadana dhiganahooda ugu horreeyay aannu noqon ka ugu iibka badan .
Ka guur filashada aan macquulka ahayn. Waa inaad ka baddashaa oo dhigataa filasho maangal ah. Samee yoolal aad gaadhi karto. Qabo wax aad qaban karto, intaa kaddib waxaad noqoni mid ku faraxsan naftiisa.
Qodobka 3 aad: inaad rajeyso in qoraalku fududdaado.
Maankaagu inay ku soo dhacdo: qoristu inay fududdahay, waa wax dhici kara, gaar ahaan marka aad tahay qoraa socodbarad ah. Qoristu inay sahlanaan doonto oo hala-abuurkuna si dabeeci ah u qulquli doono , ayaa moodaysaa , gaar ahaan marka bilowdo qorista buugaaga kowaad.
Marka qorista sheekadaada kowaad bilowdo way fududdaan kartaa bilowga hore, ama waxaad filan kartaa inay qoristu sahlan tahay, waayo ma tihid waaya-arag oo waxba kama ogid halganka iyo dhibta laga maro qoraalka, laakiin carqalladu waxa ay timaaddaa, marka qabyaqoraalkaaga kowaad bilaabmo .
Marka qabyaqoraalka waddid waxaa soo ifbixi carqallado. Xaalku wuxuu kuugu muuqan in geeddigaaga qoristu ku soo dhammaan doonto guuldarro! Laakiin, ta guusha lihi waxa ay tahay: bog kasta oo qoristaada ka mid ahi, noqon maayo mid adag. Marar qaar wuxuu noqonayaa mid xiiso leh!
Sheeka-qoristu waa shaqo culus, waa safar dheer , waa boqollaal bog; waxaa kuu sheegayaa bog weliba in aannu noqon doonin mid si fudud loo qoro. Laakiin, taasi waa caadi.
Ta aan wanaagsanayni waa inaad mar kasta filato in qoristu fududdahay , maxaa yeelay taasi waxay noqon kartaa mid ka mid ah dabinnada ugu xun ee qoraa ku dhici karo . Sababtu waxay tahay , marka ay qoristu kugu adkaataba, waxaad u malaynaysaa inaad fashilantay qoraa ahaan, qoraa dhab ah in aannad ahayn!
Kuma lihi qoristu waa wax dhib badan ama waa wax silic iyo saxariir laga maro, maxaa yeelay anigu gebi ahaanba ma rumaysni taasi. Laakiin waxaa ku leeyahay: qoristu ma wada macaana, ee marna waa qadhaadh, marna waa macaan!
Qoristu sidoo kale ma ahaan doonto hala-abuur qulqul ah oo qumman oo maalin kasta fudud, taasi waa caadi. Waxaa jiraya maalmo adag oo la tacaalayso dhibaatooyinkaaga; ha noqoto dhiirrigelin la'aan ama ha noqoto inay naftaadu dareento kalsoonidu inay ku yar tahay; arrimahaasina dhammaantood waa kuwo iska caadi ah. Ma go'aaminayaan, mana qeexayaan awoodda u leedahay inaad qori karto buug heer sare ah.
4. U-malaynta qoraalka adagi uu yahay mid xun!
Mararka qaar way fududdaan kartaa in la isku eekeysiiyo fudeydka qorista iyo tayada shaqada; oo haddii qoristu sahlaneyd, waxaa loo malayn karaa in qoraal wanaagsani soo bixi doono.
Qoraalku inuu adkaado waxyaabo badan ayaa saamayn ku yeelan kara:
Waxaa laga yaabaa in maalintaa niyadaadu ayna wanaagsanayn ;
Laga yaabaa inaad aad u daalaneyd ;
Waxaa suurtagal ah in aannad weli si dhab ah u dhisin xamaasad ama aannad isku dayin inaad si dardargelin ah wax u socodsiiso.
Joogteyn la'aanta qorista ayaa keenta in qoristu adkaato , maxaa yeelay marka qoraalka inbadan ka maqnaato, waxaa kugu adkaaneysa qorista inaad bilowdo. Qoraalku waa sida muruqyada , mar kasta oo aad naftaada ku tababbarto, waa mar kasta oo uu sahlanaado.
Haddaba, waa inaad kala saartaa adkaanta qorista iyo wacnaantiisa; ma jiraan wax isaga-dan ahi! Way adkaan kartaa in la yeesho aragti dhexdhexaad ah, laakiin waa muhiim in laga fogaado fikradda ah: qorista adagi macnaheeddu waa qoraal xun; midho xun baa kasoo baxaya!
Maxamed Haybe Axmed
Qoraa Maxamed Haybe <[email protected]>AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





