Muraayada Dawladnimo Waa Wasaaradda Warfaafinta.

0
Sunday August 04, 2019 - 08:50:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muraayada Dawladnimo Waa Wasaaradda Warfaafinta.

    Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta guud ahaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba joogta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta guud ahaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba joogta
iyo akhristayaasha qiimaha leh,waxaan si aad iyo aad  ah u salaamayaa wariyaasha  iyo soo saaradda dadwynaha u soo gudbiya wararka ,waxaan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsantihiin sida aad wararka xaqiiqda ah aad noo soo gudbisaa.



Dawladkasta waxay  leedahay wasaaradd u qaabilsan wixii warbaahin ah ee  dalkaase leeyahay ,siyaasada wasaaraddasi waxaa ka mid ah inay  bulshadda u sameysayo barmamijo tayo leh ,sida caafimaadka ,waxbarashadda ,beeraha ,xoolaha iwm 


Haddii aan u soo noqdo Wasaaradda warfaafinta ee Somaliland  ee kulmiyihii kala dambeeyey waxaa xaqiiq inuu ku yimid hoos u dhac weyn ,waxaa dhamaanba shaqooyinka laga eryey dadkii aqoonta u lahaa oo dhan ,waxay kolba loo magacaaba wasiir aan ku munaasb ahayn wasaaraddaasi waxaana ugu liita kan imminka jooga oo aan muuqaal iyo  aqoon toona lahayn isla markaana ka aradan axnshaxa wasiir nimo , qofka ka soo jeeda  hay,ad warfaafineed waxaa laga doonayaa inuu ahaado qof akhlaaq leh  iyo ixtiraam . Haddii uu wasiirku noqdo bilaa xishood oo aanu ka fiirsan waxa afkiisa ka soo baxaya  waa ayaan daro,marku wasiirku sidaa ku sifoobo ka waran ninkii wariyaha ahaa .


Muraayadda laga dheehan karo dawladnimo waxay tahay wasaaradda warfaafinta iyo wacyo galinta Wasiirku waa  inuu ahaadaa mashiinka dhaqaajinaya  wasaaaradda  kuna hogaamiyo siyaasadda dawladnimo , waa inuu lahaada aqoon xirfadeed . Waxaan u soo jeedinayaa wasiir  Maxamed Muuse Diiriye waa inaad ka soo baxdaa shaqadii lagu  igmadaay,shaqadaadii ayaa baylah ah intaad kolba qof aanad  gaadhey aad ku mashquuleysid .


Ahmed daacad


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...