Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo Ka Hadlay Aqoonsiga JSL Israa'iil.

0
Tuesday March 03, 2026 - 07:54:53 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo Ka Hadlay Aqoonsiga JSL Israa'iil.

    "Aqoonsiga aynu helnay waa mid dan u ah dhammaan Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aqoonsiga aynu helnay waa mid dan u ah dhammaan Somaliland



Guddoomiyaha Gobolka Hawd, Mudane Maxamed Bookh, ayaa sheegay in xukuumaddu tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka hortimaada ama si qaldan uga hadasha aqoonsiga ay Jamhuuriyadda Somaliland ka heshay dalka Israa’iil.


 

Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyey in aqoonsigaasi aanu ahayn mid dan u ah koox ama cid gaar ah, balse uu yahay mid dan guud u ah dhammaan shacabka Somaliland.



 

"Aqoonsiga aynu helnay waa mid dan u ah dhammaan Somaliland. Cid kasta oo ka hortimaada ama si khaldan uga hadasha, gacan bir ah ayaynu ku qabanaynaa, waynuna ka midaysanahay arrintaas,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.


 

Hadalkan ayaa imanaya xilli dood iyo falcelin kala duwan ay ka taagan yihiin arrimaha la xidhiidha aqoonsiga iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland la yeelatay Israa’iil.


 

Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in ilaalinta midnimada iyo danaha qaranku ay yihiin waajib wada saaran shacabka iyo masuuliyiinta, isla markaana aan la oggolaan doonin wax kasta oo wax u dhimaya qaranimada iyo wadajirka bulshada.

Loading...
Loading...