Somaliland oo Cambaaraysay Weerarrada Iiraan ku Qaadday Dalalka Khaliijka

0
Sunday March 01, 2026 - 08:14:08 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Cambaaraysay Weerarrada Iiraan ku Qaadday Dalalka Khaliijka

    Saamayn kara xasilloonida dalalka Khaliijka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saamayn kara xasilloonida dalalka Khaliijka



Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka Carabta, kuwaas oo lagu beegsaday Imaaraatka Carabta, Qatar, Kuwait, Bahrain, Sacuudiga iyo Urdun.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in weerarradan ay yihiin kuwo:

 

Khatar ku ah nabadda gobolka

 

Halista sii kordhinaya xiisadaha Bariga Dhexe

 

Saamayn kara xasilloonida dalalka Khaliijka

 

Qoraalka ayaa lagu yidhi:

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarradan gardarrada ah ee khatar gelinaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

 

Sidoo kale Somaliland ayaa muujisay garab-istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo lagu adkeeyay diidmada weerarradaasi.

 

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray:

"Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda ula garab taagan tahay dalalka Khaliijka Carabta, waxayna diiddan tahay gardarradan aan sababta lahayn.”

 

Arrintan ayaa muujinaysa in Somaliland ay si cad uga hadashay xiisadda gobolka Bariga Dhexe, isla markaana ay taageero u muujisay dalalka Khaliijka


Loading...
Loading...