Trump oo Sheegay in Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan la Dilay
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ali Khamenei, uu dhintay, isaga oo ku tilmaamay tallaabadaasi mid cadaalad u ah shacabka Iiraan iyo muwaadiniinta dalal kale.
Trump ayaa sheegay in howlgalka lagu beegsaday Khamenei uu ku salaysnaa:
Xog sirdoon oo gaar ah
Nidaamyo dabagal oo casri ah
Iskaashi lala yeeshay dawladda Israa’iil
Waxa uu intaas ku daray in howlgalkaasi ay ku dhinteen hoggaamiyeyaal kale oo la socday Khamenei, isagoo sheegay in weerarkaasi ahaa mid si qorshaysan loo fuliyey.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Iiraan oo xaqiijinaya geerida Khamenei, arrintaas oo ka dhigaysa mid wali u baahan xaqiijin rasmi ah.


0 





