Guddoomiyaha Hay'adda Caymiska Qaranka oo Kulan La Qaatay UNICEF

0
Saturday February 28, 2026 - 15:06:55 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Hay'adda Caymiska Qaranka oo Kulan La Qaatay UNICEF

    Ugu dambayn, labada dhinac waxay isku raaceen:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu dambayn, labada dhinac waxay isku raaceen:



Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Xirsi Ducaale ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Somaliland Mudane Mads Oyan iyo wefti ka socday hay’addaas oo booqasho shaqo ku yimid.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo hirgelinta Nidaamka Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Qaranka, kaas oo ay si wadajir ah uga shaqaynayaan Hay’adda Caymiska Qaranka iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.



 

Madaxa UNICEF ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay taageerada barnaamijka caymiska caafimaadka, isaga oo ballan-qaaday in hay’addu ka geysan doonto taageero farsamo, talo-bixin iyo khibrad, si loo xaqiijiyo in muwaadiniintu helaan caymis caafimaad oo la isku halayn karo oo waara.


 

Ugu dambayn, labada dhinac waxay isku raaceen:

 

In la xoojiyo iskaashiga wadajirka ah

 

In la dardargeliyo mashaariicda caymiska caafimaadka

 

In la gaadho nidaam caafimaad oo loo siman yahay dhammaan bulshada


 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo caymiska caafimaadka Qaranka, si bulshada Somaliland u helaan adeeg caafimaad oo la awoodi karo oo joogto ah.

Loading...
Loading...