Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo Soo Bandhigay Waxqabadka Sannadkii 2025
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Professor Axmed Maxamed (Cadaad), ayaa soo bandhigay warbixin ballaadhan oo ku saabsan waxqabadka xafiiskiisa intii lagu jiray sannadkii 2025, isaga oo si faahfaahsan u sharxay hawlaha iyo masuuliyadaha uu xafiiska gobolku u igman yahay.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xafiiska Gobolka Maroodi-jeex uu kaalin muuqata ka qaatay gurmadka abaaraha, isaga oo xusay in sannadkii 2025 ay ku tabaruceen lacag dhan 120 milyan oo shilinka Somaliland ah si wax looga qabto xaaladda abaarta.
Sidoo kale, Guddoomiye Cadaad waxa uu tilmaamay in xafiisku uu 150 gacan-siis u fidiyey cuqaasha dhaqanka ee gobolka, isla markaana uu fuliyey kormeerro joogto ah iyo qiimayn guud oo lagu sameeyey dhammaan deegaanada Gobolka Maroodi-jeex.
Dhanka kale, Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay roobab dabaylo watay oo ku dhuftay deegaanka Dab-la-taagay ee waqooyiga Hargeysa, kuwaas oo sababay burbur soo gaadhay guryo badan. Waxa uu sheegay in dadka ay dhibaatadu soo gaadhay la gaadhsiiyey taageero lacageed oo dhan 56,000 oo dollar, taas oo uu xusay inay ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Warbixintan ayaa muujinaysa doorka xafiiska Gobolka Maroodi-jeex ee dhinacyada gurmadka, maamulka iyo taageerada bulshada, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah iyo horumarinta adeegyada gobolka.


0 





