Toogasho Aan Kala Sooc Lahayn Oo Ka Dhacday Mareykanka

0
Sunday August 04, 2019 - 08:31:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toogasho Aan Kala Sooc Lahayn Oo Ka Dhacday Mareykanka

    Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhimatay weerar toogasha ah oo ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhimatay weerar toogasha ah oo ka dhacay
goob dukamaaysi oo ku taal magaalada El Paso ee gobolka Texas, Maraykanka.

26 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaasoo ahaa rasaas uu nin caddaan ah ku furay dad ka dukaamaysanayay dukaan ay leedahay shirkadda Walmart oo ay xilligaa dad badan ku sugnaayeen.



Ninka la tuhunsanayahay in uu toogashada fuliyay ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa nin caddaan ah oo ku jira da'da labaatameeyada.


Ninka ayaa la xiray ka dib markii uu booliska goobtaasi ku sugnaa uu isu soo dhiibay, kaasi oo ay warbaahinta maxalliga ah magaciisa ku sheegeen Patrick Crusius.


Barasaabka gobolkaasi Greg Abbott oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad uga argagaxay waxa halkaa ka dhacay.


"Texas waxay maanta muraga la qeybsanaysaa shacabka El Paso. Maalin si caadi ah ay dadka usoo dukaamaysan lahaayeen ayaa isu bedeshay mid ka mid ah maalmaha uu dhiigga ugu badan ku daatay taariikhda Texas, Waxaa la laayay dad maanta noolaan ahaa. Waxaa weerarkaasi ku dhintay labaatan qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Ka gobol ahaan, waxaan ka midaysanahay taageeridda dhibbanayaasha iyo qoysaskooda", ayuu yiri barasaab Abbot.


Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa falka weerarkaasi ku tilmaamay ''ficil fuleynimo ah''


''Waan ogahay in aan metelo qofkastaa oo ku sugan dalkan, waxaana maanta si xooggan u dhaleyceynayaa ficilkaan nacaybka ku saleysan. Ma jirto sababo ama marmarsiyo loo sameyn karo dil looo geystay dad aan waxba galabsan'', ayuu Trump ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.


Toogashada ka dhacday El Paso ayaa ah tii siddeedaad ee ugu dhimashada badneyd ee soo marta taariikhda Maraykanka, waxaana durbadiiba bilowday dood ku aaddan xakamaynta hubka ee dalkaasi.

 

BBC

 

Loading...
Loading...