Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha ku Dagaallamay Sanaag
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag.
Wasiiru-dawluhu waxa uu ugu baaqay dhinacyada ay colaaddu dhex martay inay si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyaan dagaalka, isla markaana ay ilaaliyaan nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in la joogo bil barakaysan oo ka mid ah bilaha xurmada leh, taas oo waajib ka dhigaysa in la dhowro dhiigga, sharafta iyo walaaltinimada bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiiru-dawluhu waxa uu ugu baaqay waxgaradka, cuqaasha, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay door muuqda ka qaataan dejinta xaaladda iyo daminta colaadda, isla markaana nabadda laga hormariyo wax kasta oo kale.
Wasiir Cabdirashiid Magaalo ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ay ka go’an tahay xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo isfahan, si loo sugo nabad waarta iyo xasillooni gobolka Sanaag.


0 





