Agaasimaha Guud ee KTS oo Nairobi Kulan Muhiim ah kula yeeshay Midowga Yurub

0
Saturday February 28, 2026 - 14:55:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee KTS oo Nairobi Kulan Muhiim ah kula yeeshay Midowga Yurub

    Mudane Aadan Jaamac Ducaale ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Aadan Jaamac Ducaale ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey


Agaasimaha Guud ee Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland (KTS), Mudane Aadan Jaamac Ducaale, ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay Sanne Williams, oo ah Hoggaamiyaha Kooxda Qaybta Dawladda iyo Adeegyada Bulshada (Team Leader of Public Sector and Social Services) ee xarunta EU Mission ee Kenya.


 

Kulanka ayaa Agaasimaha Guud ugu horrayn uga mahadnaqay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan waxbarashada Somaliland, gaar ahaan wada-shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Komishanka Tacliinta Sare (KTS).



 

Mudane Aadan Jaamac Ducaale ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey heerka ay marayso tacliinta sare ee Somaliland, horumarka uu sameeyey KTS iyo caqabadaha weli jira, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo taageerada horumarinta jaamacadaha dalka.


 

Sidoo kale, Agaasimaha Guud waxa uu ka hadlay mashruuca wadajirka ah ee Higher Education Systems Strengthening in Somaliland (HESSS), isaga oo sharaxay muhiimadda mashruucaasi u leeyahay horumarinta tacliinta sare iyo meelaha ay KTS qorshaynayso in sannadkan xoogga la saaro.


 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo natiijo wax ku ool ah, iyadoo Midowga Yurub ay ballanqaadeen in dib loo bilaabi doono mashruuca HESSS dhammaadka sannadka 2026, tallaabadaas oo loo arko guul muhiim ah oo u soo hoyatay tacliinta sare ee Somaliland.

Loading...
Loading...