Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada oo Deeqo Gaadhsiiyey Degmada Gar'adag
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo, oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamuud Saalax Cabdi iyo Xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye, ayaa gaadhay degmada Gar’adag, halkaas oo ay gaadhsiiyeen deeqo loogu talagalay bulshada deegaankaasi.
Masuuliyiinta ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey degmada, iyaga oo kulamo la yeeshay maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga xog-waraansadaan xaaladda deegaanka iyo baahiyaha jira.
Deeqaha la gaadhsiiyey ayaa loogu talagalay taageeridda qoysaska danyarta ah iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan xilligan ay jiraan xaalado abaareed oo saameeyey deegaannada miyiga.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sheegay in ujeeddada safarkoodu tahay u kuurgelidda xaaladda abaareed ee bulshada, isaga oo xusay in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo gurmadka abaaraha.
Masuuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in garab istaagga bulshada iyo u gurmashada dadka nugul ay tahay waajib qaran, isla markaana ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga bulshada iyo hay’adaha dowladda.


0 





